fbpx
Loading Events

« All Events

  • This event has passed.

Seward Co-op Store Signage Focus Group (Virtual)- Somali

May 17, 2021 @ 6:00 pm - 7:00 pm

Waad salaaman tihiin, xubnaha bulshada!

Seward Co-op waa iskaashato ay leeyihiin bulshadu oo maamusha dukaan adeeg buuxa oo leh oo laba goobood uga yaal Koonfurta Minneapolis. Hadafkeenu waa sii wadida bulsho caafimaad qabta. Waxaan ka shaqeyneynay calaamadaha cusub ee dukaanka ee loogu talagalay in lagu caawiyo dadka wax iibsanaya si ay u helaan badeecadaha iyo adeegyada ay ka raadinayaan dukaamadeenna. Ujeeddada mashruucu waa in la hirgeliyo calaamado ku qornaa Ingiriisiga, laguna qoro luqado kale, si sahlanna loo fulin karo. Tanoo qeyb ka ah geeddi-socodkan, waxaan dooneynaa inaan martigelinno kulanno lagu ogaanayo fikirka bulshada si aan uga soo uruurinno ra’yi-celintooda ku aadan shaqadeenna. Iskaashatadu waxay dejisay lix kulan oo leh tiro kooban oo ka qeyb-galayaal ah halkii kulanba. Ugu yaraan mid kamid ah kulamadaan waxaa lagu hadli doonaa luuqadaha Amxaariga, Hmong-gaha, Afka Oromada, Afka Isbaanishka, Soomaali iyo Ingiriisi.

Waxaan doonaynaa inaan ogaanno haddii aad naga caawin karto inaan ka helno qaar ka mid ah dad bulshadeena ka tirsan oo xiiseynaya ka-qaybgalka kulamadan. Waxaan raadineynaa shaqsiyaad ka tarjumaya kala duwanaanta xaafadaha aan u adeegno. Waxaan soo dhaweyneynaa qof walba – gaar ahaan kuwa ku hadla Amxaariga, Hmong-gaha, Afka Oromada, Soomaaliga, iyo/ama Isbaanishka. Kulan kasta wuxuu qaadan doontaa qiyaastii 1 saac.

Waxaan siin doonnaa ***kaarka hadiyaddda dukaanka Seward Co-op ah oo ay ku jirto $50*** qof kasta oo ka qayb qaata kulanka.

Diyaar ma u tahay inaad akhbaarta kulankaan u gudbiso qof kale ama aad kula talisid in uu ka qeybgalo? Sidoo kale adiguna waan jeclaan lahayn inaad ka soo qeybgashid. Hoos, waa taariikhaha kulanka la qaban doono. Riix kulanka si aad iskugu diiwaan geliso websaydka Eventbrite.

• Kulanka 1aad (waxaa lagu hadlayaa af Ingiriis): 4/27, 6 – 7pm (Galabnimo)

• Kulanka 2aad (waxaa lagu hadlayaa afka Isbaanishka): 4/28, 6 – 7pm (Galabnimo)

• Kulanka 3aad (waxaa lagu hadlayaa Afka Hmong-gaha): 4/29, 6 – 7pm (Galabnimo)

• Kalfadhiga 4aad (waxaa loo fududeeyey af-amxaari): 5/13, 6 – 7pm (Galabnimo)

• Kalfadhiga 5aad (waxaa lagu hadlayaa Af-Soomaali): 5/17, 6 – 7pm (Galabnimo)

• Kulanka 6aad (waxaa lagu hadlayaa afka Oromada): 5/18, 6 – 7pm (Galabnimo)

Haddii adiga ama qof aad taqaanid uu xiiseyneyso inuu ka soo qeybgalo kulamadaan, fadlan:

a.) Isku diiwaan geli kulanka luqadda kuu salan iyo/ama

b.) U gudbi akhbaarta kulan qof kale oo danaynaya inuu ka soo qeybgalo!

Aad baad ugu mahadsantahay tixgelintaada!

+ Google Calendar+ Add to iCalendar